SAFAARADAHA SHISHEYE OO ISAGA BAXAY SUDAN.
DAGAALKA DALKA SUUDAAN.
(SUDAN)-Dalka Sudan waxaa weli ka socdo dagaalkii uu dhexeeyey labada Generaal waxa uuna galay maalintiisii sagaalaad,dagaalkan ayaa sababay khasaaro aad u fara badan oo leh naf iyo maalba waxaane gudaha dalka Sudan iney isaga baxaan bilaabay dadka ajaanibta ah iyo safaaradaha dalalka shisheeye. Magaaladda Port-Sudan ayaa noqotay halka hadda nabada ah eyna ka dhoofayaan dadka ajaanibta gaar ahaan safaaradaha iyo xaasaskooda. dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan una badan arday halkaasi wax ka baranaysay ayaa hadda ku go’odoonsan xuduuda u dhexeyso dalalka Itoobiya iyo Sudan sida ey ku sheegeen waraysi ey siiyeen laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da.
ISHA WARKA AFP.