Wariye Abuuja oo..
Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee soomaaliya ayaa maanta waxa eey xabsiga ka sii deeysay wariye Maxamed C/wahaab Abuuja kaa soo xirnaay muddo dhan shan bilood,wariye Abuuja ayaa waxaa la xiray markii ugu horeeysay sabti-29/2/2020-ka saacadu markeey ahayd 11:30-subaxnimo,waxaane xabsiga laga sii daayey wariye Abuuja Isniin 2/3/2020-ka saacadu markeey ahayd 12:00-duhurnimo,hadane waxaa wariye Abuuja xabsiga loo taxaabay 7/4/2020-ka mana jirin wax cadeeymo ah oo la haayey laguna geey karo maxkamad. 2/4/2020-ka warqad ka soo baxday wasaaradda warfaafinta soomaaliya ayaa lagu sheegay in wariye Abuuja ka tirsan yahay kooxda Alshabab isla markaasne uu qeyb ka ahaay dil ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir dilkaas ayaa waxa loo geystay geber la oran jiray Baxsaneey Cabdulle Boolaay. wariyaha ayaa sababsaday qoraal uu cinwaan uga dhigay”CIIDAMADDA MA CIIL SHACABKAADAA MISE CADAWGAADA KA CEERI” qoraalkaan ayuu wariyaha soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook-ga waxa eeyna ka careeysiisay masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka soomaaliyeed ee ciidamadda qaranka u adeegsada shacabka,waxaane farta lagu fiiqaa inuu ka dambeeyo xiriga wariyaha madaxa warfaafinta madaxtooyadda Mr.C/nuur Maxamed Axmed oo ah wiil cadaadis ba’an ku haayo wariyeyasha ka hawlgala magaaladda Muqdisho waxaane taas u sabab ah in willkaan uu meesha keensaday mulkiilaha dawladda federaalka hadan ah agaasimaha hayadda sirdoonka qaranka NISA Ex-wariye fahad.