RW-XAMSE OO U SAFRAY DALKA KENYA.
(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO U SAFRAY KENYA.
(MUQDISHO)-Waxaa weli taagan is mari waaga siyaasadeed ee u dhexeeyo Dawaladda Fedraalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Jubaland,arrintaan ayaa ah mid soo bilaabatay ka dib markii uu isaga baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland Md.Axmed Madoobe,sababta ka bixtaankiisa ayuuna ku sheegay in Shirka ey ka maqan yihiin dawaladda Puntland oo iyada aan marnaba ka qeybgelin shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka horeeyey midka uu ka baxay Axmed Madoobe iyo maamulka SSC-khatumo,balse sirta ka bixitaanka Axmed Madoobe ee shirka ayaa ahayd inuu diidan yahay in dalka Soomaaliya ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah taaso ka mid ahayd ajandihii shirkaas Golaha Wadatashiga Qaranka yeeshay. Xiisaddu hadda waxa ey gaartay meesheedii ugu xumeed oo waxa ey mareysaa in Waaran la isu jaro labada dhinac iyo in ciidamo lagu daabulo goobaha muhiimka ah kana tirsan Jubaland. War ey maanta soo saareen Golaha Wasiiradda ee Dawlad Goboleedka Jubaland ayey ku sheegeen in DFS ey baalmartay sharciga dalka u degsan sdiaas darteedna Jubaland tahay maamul ka mid ah maamuladda dalka ka jira una madax banaan aayahooda. Dhinaca kale,waxaa maanta Muqdisho ka dhoofay wafdi heer sare ah uu hogaaminaayo RW-Xamse Cabdi Barre kuwaaso ku wajahan dalka Kenya,ujeedka safar RW-Xamse ayaa lagu sheegay inuu daaran yahay dhawr arrimood ey ugu muhiimsan yihiin Xaaladda Siyaasadeed ee ka dhax jirta DFS iyo Jubaland,Amniga iyo Ganacsiga labada dal.
ISHA-SB-MEDIA.