SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII GOALAHA.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku qabsoomay shirkii Todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,shirka ayaa waxaa shir Gudoominaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,kulanka ayaa lagu soo bandhigay Warbixino kala duwan oo la xiriiro Amniga,Qorshaha Isbedelka Qaranka iyo heerka ey mareyso Canshuurta iibka oo tan iyo markii la bilaabay dhaqaalaha dalka uu sameeyey sare u kac balaaran. Golaha Wasiiradda ee XFS ayaa warbixin la xiriirta Ciidamadda Qaranka ee la geeyey degmada Raaskaambooni ka dhegaystay Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tilmaantay in Ujeedka Ciidamadda loo geeyey Raaskaambooni ey tahay sidii ey ula wareegi lahaayeen Amniga degaanadii ey ka bexeen Ciidamadda Hawlgalka Midawga Afrika ee ATMIS loona xaqiijiyo Amniga Goobahaas. Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga ee XFS Md.Beene Beene ayaa Golaha Warbixin ka siiyey halka uu maraayo Qorshaha Isbedelka Qaranka(NTP) 2025-2029 kaaso diyaarintiisu ey soo socotay muddo sannad ku dhaw hadane ey mareyso heer gabagaba ah,waxa uuna dhaqan geli doonaa sannadka-2025-ka,waxa uuna bedeli doonaa Qorshaha Horumarinta Qaranka(NDP-9).

ISHA-SNTV.