SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-XAMSE OO MAGACAABIS IYO ISKU SHAANDHEYN KU SAMEEYEY…

(SAWIRKA)-WASIIR BASHIIR GOOBE.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Reysal Waasre Xamse ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Md.Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee XFS. Sidoo kale, Reysal Wasaare Xamse ayaa isku bedelay Wasiiradii Wasaaradaha Qoyska iyo Xuquuql Insaanska iyo Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee XFS. Marwo Khadija AL-Makhzumi ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuql Insaanka,halka Md.Bashiir Maxamed Jaamac(GOOBE) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee XFS. Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre,ayaa wareegto ku soo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee XFS Md.Cismaan Axmed Mocaw.

ISHA-SNTV.