SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-XAMSE OO MAANTA FURAY SHIRKA DOOXA..

(SAWIRKA)-SHIRKA DOOXA.

(DOHA-QATAR)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa si Rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaaladda Dooxa ee dalka Qadar. RW-Xamse oo khudbad Muhiim ah ka jeediyey furitaanka shirweynaha oo halku dhegiisu yahay “Jihaynta Awooda Qurbgjoogta Soomaaliyeedsi loo gaaro Soomaali bilan oo Barwaaqo ah”ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan baahidda loo qabo xilligaan in Qurbajoogta Soomaaliyeed ey sii labajibaaraan kaalintooda firfircoon ey ka qaataan dib u dhiska dalkooda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la dhiso kalsooni,lana dhexgalo bulshooyinka martida loo yahay iyada oo aan laga tegayn ilaalinta dhaqanka iyo caadooyinka suuban ee Soomaaliyeed. RW-Xamse ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ey ku leeyihiin dib u dhiska,Waxbarashadda,koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeyna iyo tan bulshadaba,iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka,waxa uuna ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay shirka iney ka mira dhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ey hiigsanayaan ee ah Nabad,Horumar iyo Barwaaqo. Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ey soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool dafaaha caalamka,kuwaaso shirka uga socon doono magaaladda Dooxa ee ah Caasimadda dawladda Qadar inta u dhexeyso 22-ka bishaan Luuliyo ilaa 24-ka bishaan luuliyo sannadka 2024-ka.

ISHA/OPM.