RW-XAMSE OO MAANTA BOOQDAY BUULO-XAAJI.
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO WASIIR JAAMAC.
(KISMAYO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Gobolka Jubadda Hoose ahne caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawaladda Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ee uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland Md.Axmed Maxmed Islaan(Axmed Madoobe) ey si wadajir u booqdeen Ciidamadda Qalabka Sida iyo Daraawiishta Jubaland ee ku sugan degaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubada Hoose halkaaso dhawaan jab xoogan lagu gaarsiiyey Maleeshiyaadkii ku soo duulay ee Alshabaab. RW-Xamse ayaa bogaadiyey sida nafhurnimada leh ey ciidamadda Soomaaliyeed ey Argagixisadda uga xureynayaan dalka ayaa ku dhawaaqay in DFS ey siineyso abaalmarin lacageed lana gudoonsiinayo Ciidamadda Birjeex ee jebiyey Alshabaab degaanadda jubaland. “Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo,waxaad ka farxiseen muslimiinta,waxaad rubadda goyseen Alshabaabkii ey ummadda necbaayeen. Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in Alshabaab dalka laga xureeyo oo la tirtiro,in badan oo ka mid ah dalka waa laga xaaqay oo ey ka mid tahay Buulo-Xaaji”. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guushaan ey ka marqaati keceyso tayadda iyo awooda Ciidamadda Soomaaliyeed iyo dadaalka ey dawaladdu ku bixineyso dib u dhiskooda isaga oo xusay muhimadda ey leedahay garab istaaga iyo wada shaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciidamdda,dawladuna degaanadda la xureeyey ey geyn doonto adeegyadda aasaasiga ah. Dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo ka duuleysa in gurmad iyo gargaar deg deg ah la gaarsiiyo bulshadda ku nool degaanadda laga xureeyey Alshabaab ayaa waxa ey Hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Sodma gaarsiisay raashin 900-Qoys oo ku nool degaanka Buulo-Xaaji taaso qeyb ka ah qorshaha safarka Reysal Wasaaraha. Wafdiga Reysal Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda heer Federaal iyo heer dawalad Goboleed,Xildhibaano,Taliyeyaasha Ciidanka XDS iyo Booliska iyo Haween metelaayey Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 taaso isugu jirta Buskud,Timir iyo Kalluun.
ISHA/SNTV.