RW-XAMSE OO LA KULMAY WAKIILKA MIDAWGA AFRIKA.
(SAWIRKA)-XAFIISKA RW XAMSE.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midawga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Md.Danjire.Maxamed EL-Amin Souef, waxa eyna ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midawga Afrika AUSSOM. Kualanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Midawga Afrika iyo hawlgalka cusub ee Taageeridda iyo Xasillinta Midawga Afrika ee dalka Soomaaliya loona yaqaano AUSSOM kaaso bedelay hawlgalkii hore ee ahaa ATMIS, iyadoo Danjir,Souef uu xusay in Midawga Afrika si buuxda uga taageeraayo DFS ciribtirka kooxaha Argagixisadda. RW-Xamse ayaa Midawga Afrika uga mahad celiyey taageeradda naf-hurnimada ah ee uu la garab taagan yahay DFS iyo shacabkeeda,waxa uuna cadeeyey sida ey DFS uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha AL-shabaab iyo Daacish kuwaaso isku soo beheystay iney dalka Soomaaliya u diidaan Nabadda.
ISHA-SNTV.