RW-XAMSE OO KULAN LA QAATAY DHIGIISA CIRAAQ.
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO RW AL-SUUDAANI.
(BAQDAD)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in halkaasi shalay oo Khamiis ahayd ey gaareen Wafdi heer sare ah uu Hogaaminaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,sabbata keentay in RW-Xamse iyo wafdigiisa iney u safraan dalka Ciraaq ayaa ah iney casuumad rasmi ka heleen Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Md.AL-Suudaani. Reysal Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ku joogi doono dalka Ciraaq,inta ey halkaas joogaane waxa ey kulamo muhiim ah la yeelan doonaan Reysal Wasaaraha Ciraaq AL-Suudaani oo ey ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeyo labada dal Soomaaliya iyo Ciraaq. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in safarka RW-Xamse yahay mid ujedda badan ah salkana ku haayo arrimo dhawr ah ey ka mid tahay sidii looga hortegi lahaay in xiriir wanaagsan uu dhexmaro kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta Dawladda Federaalka Soomaaliya. Dalka Ciraaq ayaa hadda waxaa xukunkiisa haayo kooxo gacan saar wangaasan la leh Shiicadda dalka Iraan waxaane suuragal ah in labada dawladood ey ka wada hadlaan arrimaha Xuutiyiinta Yeman iyo Alshabaab sidii loo hakin lahaay la isagan kaashan lahaay dhinaca amniga. Dalka Ciraaq waxaa horay u tegay La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin waxa uuna halkaasi kula soo kulmay hogaanka Amniga ee dalka Ciraaq,waxaane hadda wafdiga Reysal Wasaare Xamse Cabdi barre ka mid ah Taliyaha Hayadda NISA Md.C/laahi Maxamed Cali Sabalooshe,si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa dadaal adag ugu jirto dabargoynta kooxda Alshabaab. Wafdiga RW-Xamse ayaa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda Md.Axmed Macallin Fiqi,Wasiiradda Beyadda’a iyo Isbedelka Cimiladda Md.Khafiija Maxamed Al-makhzoumi,Wasiira Maaliyadda Md.Biixi Cige Imaan iyo Agaasimaha Hayadda NISA Md.Sambalooshe,waxaa kaloo kuankii maanta goobjoog ahaay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Md.Ridwaan Xersi.
ISHA/SB-MEDIA.