SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-XAMSE OO DHIIRIGELIYEY CIIDAMADA DANAB.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO LA JOOGA DANAB.

(KISMAYO)-Wararka ka imanaayo caasimadda ku meel gaarka Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu booqasho Dhiirigelin ah uu ugu tegay Ciidamadda Kumaan dooska DANAB ee ka hawlgala Jubaland kuwaaso kaalin muhim ah ka qqadanaya dagaalka ka socdo gobolka ee lagu ciribtiraayo kooxda Alshabaab. RW-Xamse ayaa ku bogaadiyey Ciidamadda Danab sida ey naftooda ugu hureen difaaca dalkooda Hooyo,wuxuuna u balanqaaday in DFS ey sii wedi doonto taageerada joogtada ah ey siiso Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed,si ey u helaan qalab iyo tababar casri ah oo ka caawini kara hawlgaladooda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhimadda ey leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeyo Ciidamadda Kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubaland si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilooni waarta oo ka hana qaada guud ahaan Gobolada Jubaland. RW-Xamse ayaa ku celceliyey ahmiyadda ey leedahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ey ku midoobaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab si loo gaaro Soomaali nabad iyo Barwaaqa ah. RW-Xamse ayaa waxaa booqashadiisa Jubaland ku wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland Md.Axmed Madoobe,Wasiirka G/dhiga,Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyaha CXDS.

ISHA/SNTV.