RW-XAMSE CABDI BARRE OO SHIR GUDOOMIYEY…
(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA XFS.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre uu maanta oo Khamiis ah uu shir Gudoomiyey Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiiradda,shirka maanta dhacay ayaa waxaa warbixin looga dhegaystay Wasiirka Gaashaandhiga XFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac),Wasiirka ayaa ka warbixiyey bixitaanka ciidamadda ATMIS iyo qorshaha u diyaar garawga ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa masuuliyadda Amniga Guud ee dalka marka ey ATMIS baxdo dhammaadka bisha Diseembar-2024-ka. Golaha Wasiiradda ayaa bogaadiyey hawlgaladda dalka looga sifeynaayo kooxda ALshabaab ey ciidamdda geesiyaasha ah ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ey ka wadaan goboladda dalka gaar ahaan dagaaladdii ugu dambeeyey ee ka kala dhacay maamuladda Jubaland iyo Galmudug oo guulo waa weyn laga gaaray. Sidoo kale,Golaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Md.Faarax C/qaadir,Wasiir Faaraxa ayaa warbixintiisa kaga hadlay arrimo ku saasban u diyaar garawga Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare gaar ahaan fasalka 4-aad ee sannad dugsiyeedka 2023/2024-ka kaaso si xiriir ah ey Wasaaraddu u qaadeysay tobankii sano ee la soo dhaafay,waxaane sannakaan 2023/2024-ka u fariisan doonto arady gaareyso ilaa 37-kun arday guud ahaan dalka oo dhan. Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta dhacay ayaa lagu Ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaayo dhaqan gelinta sharciga Xafiika,kaaso muhiim u ah kor joogtaynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka. Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ee caasimadda ah lagu soo gabagabeeyey Imtixaanka fasalka 8-aad ee waxbarashadda Aasaasiga,tiradda ardayda u fariisatay Imtixaanka fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir ayaa dhan 37,307-arday,Agaasimaha Waxbarashadda G/Banaadir oo soo xiray Imtixaanka sannad dugsiyeedka 2023/2024-ka ayaa aradyada G/banaadir u rajeeyey Guul.
ISHA/SNTV.