RW-XAMSE AYAA MAGACAABAY WASIIRO..
(SAWIRKA)-RW-XAMSE CABDI BARRE.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Xafiiska Reysal Wasaaraha Dawaladda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaayo in la magacaabay Wasiiro ey tiradooda dhan tahay ilaa lix Wasiir,sida laga akhriyey Tv-ga Qaranka ee SNTV laguna daabacay bogga Xafiiska RW-Xamse Cabdi Barre Wasiiradda la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah laba Wasaaradood aan in mudd ah haysan Wasiiro kuwaaso kala ah Amniga Gudaha iyo Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah. Hadaba Wasiiradda uu magacaabay RW-Xamse ayaa kala ah:
(1)-Md.Axmed Macallin Fiqi-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.(Hawiye/Habar Gidir).
(2)-Md.Xildhib.Cali Yuusuf Cali(Xoosh)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.(Daarood/Majeerteen).
(3)-Md.Senitar.C/laahi Sheekh Ismaaciil-Wasiirka Amniga Qaranka(Daarood/Mareexaan).
(4)-Md.Xildhib.C/laahi Bidhaan-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha(Daarood/Dhulbahante).
(5)-Md.Xildhib.Maxamed Aden Macallin-Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda(weli).
(6)-Axmed Cumar Maxamed-Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beyadda iyo Isbedelka Cimiladda(Weli). Sida muuqata waxaa isbedel cad uu ku imaanyaa Golaha Wasiiradda ee hadda jira waxaane soo socdo Liis dheer oo isku shaandheyn ah.
ISHA/SNTV.