SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-XAMSA OO MAGACAABAY AGAASIMEYAAL.

(SAWIRKA)-IBRAHIM NADAARA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada Ciyaaraha. Ibrahim Adan Ibrahim(Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf C/raxman Samanta, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaatadda iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. C/laahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabayAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.

ISHA/SNTV.