SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-SAALAX AXMED JAAMAC OO KORMMERAY..

(SAWIRKA)-RW-SAALAX OO BOOQDAY…

(MUQDISHO)-Reysal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu kormeer shaqo ku kala tegay Wasaaradaha Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare,Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Cayaaraha iyo Hayadda Mareeynta Muusiibooyinka SODMA. Intii uu ku guda jiray kormeerka, Md.Saalax ayaa si qoto dheer waxa uu ugu kuur galay sida ey u socdaan hawlaha iyo adeegyadda ey Hayadahaan u qabtaan bulshada Soomaaliyeed,waxa uuna Madaxda Hayadahaan kala hadlay sidii loo xoojin lahaa isla Xisaabtanka,Hufnaanta Maamulka iyo Dabagalka Qorshayaasha Horumarineed. Md.Saalax Axmed Jaamaca,ayaa xaqiijiyey in Qorshayaasha iyo Mashaariicda Wasaaradaha uu booqday iyo Hayadda SODMA iney waafaqsan yihiin nidaamka Qorshaha isbedelka Qaran(NTP),si loo gaaro yoolalka waa weyn ee Horumarineed ee XFS. Md.Saalax ayaa dhiirigeliyey in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo isku xirnaanta Hayadaha Dawladda,si loo Horumariyo Nolosha bulshada loona xaqiiiyo in adeegu gaaro dhammaan Mawaadiniinta Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, Md.Saalax ayaa balan qaaday in XFS ey sii wadi doonto taageeradda dhammaan hayadaha DFS iyadoo mudnaanta siineyso dhammaan Qorshayaasha lagu Horumarinaayo Waxbarshada,Dhallinyarada,Cayaaraha iyo Maareynta Musiibooyinka.

ISHA-SNTV.