SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RW-ROOBLE MA YAHAY NIN KA TIRSAN….

Dalka soomaaliya wixii ka dambeeyey burburkii waxaa soo baxay kooxo wato magacyo diimeed kalana fikrado duwan,intooda badan kooxahaas waxa eey wataan magacyo aan soomaali ahayn kooxdii ugu horeysay ee la maqlay ayaa ahayd AL-ITIXAAD AL-ISLAAMI kooxdaan ayaa waxa eey dagaal la gashay ciidamo uu lahaay maamulka Puntland si eey iyagu uga wada taliyaan dhammaan degaanadda hoos yimaado Puntland taasne kuma aysan guulaysan oo dagaalkii waa looga adkaaday waxa eeyna u soo wareegeen goboladda koonfurta soomaaliya halkaas ayeyna ka bilaabeen ineey ciidamo ka qortaan iskana abaabulaan,kooxdaan ayaa waxa eey dagaal la gashay ciidamo ka socday dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Gedo degmooyin ka tirsan iyo qeybo ka mida gobolka jubadda hoose. Waqtiga eey Al-itixaad la dagaalamayeen itoobiyaanka magaaladda muqdisho waxaa ku sugnaay hogaamiye kooxeedyo aad u arxan darnaay dhib badane ku haayey dadka magaaladda Muqdisho waxaane dhacday in kooxihii islaamiyiinta ee ka jiray magaaladda Muqdisho ineey isu behaysteen hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho waxayna la galeen dagaal adag oo eey magaaladda kaga saareen,waxaane guushii islaamiyiinta ka dhalatay in dalka eey ku soo duulaan ciidamo shisheeyey gaar ahaan magaaladda Muqdisho inuu ka dhacay dagaalkii ugu xumaay,inta uu socday dagaalka Muqdisho waxaa banaanka lagu soo dhisaayey dawlad ku meel gaar ah waxaane dhacaday in Muqdisho loo soo gelbiyo dawladdii uu hogaaminaayey AUN-Col.C/laahi Yuusuf lana dejiyo madaxtooyadda qaranka ayadoo hareeraha madaxtooyadda eey ku soo dhcaaayaan madaafiic eey soo tureen islaamiyiinta,si kastaba ha ahaatee kooxihi islamiyiinta kalana duwanaay waxa eey u xuubsiibteen hal magac oo ah ALSHABAAB kuwaasoo si xoogan isugu fidiyey goboladda koonfureed ee soomaliya kana smaystay xarumo lagu tababaro ciidamada ayaga taabacsan,magaladda Muqdisho ayaa waxa eey noqotay meel bartilmaameed u ah alshabaab eeyna ka fuliso weeraro lala beegsanaayo masuliyiin iyo ciidamadda dawladda. Dawladihii eey kala hogaaminaayeen sheekh shariif iyo Xasan sheekh si daacad ah ayey ula dagaalameen Alshabaab waxa eeyna ku qasbeen ineeysan soo dhaafin gobolka shabeeladda hoose awoodne eeysan ku yeelan magaaladda Muqdisho. Sannadkii 2017-dii markii la doortay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo waxaa isbedel aad u baaxad weyn uu ku yimid hawlgaladii dalka looga sifayhaayey Alshabaab waxaane dhacday inaan hal mar weerar lagu qaadin Alshabaab afartii sano ee la soo dhaafay taasoo khubaradda aqoonta u leh la dagalaanka kooxaha xagjirka u macneyeen inuu jiro xiriir u dhexeeyo dawaladda Farmaajo iyo Alshabaab kaasoo sababay inaan lala dagaalamin afar sano,waxaane soo batay warar tibaaxaayo in masuuliyiinta ka tirsan dawladda Farmaajo yihiin kuwa la shaqeeysto alshabaab,xiriirka u dhexeeyo masuuliyiinta ka tirsan dawladda iyo alshabaab ayaa waxaa sal u ah taliyaha hayadda NISA fahad Yaasiin oo kaalmo dhaqaale ka helaayo dawladda Qadar sida l rumaysan yahay,waxaane jirto inuu jiro isku milan u dhexeeyo ciidamadda dawladda iyo Alshabaab lana kala aqoon kari waayo kee ah alshabaab iyo kee ah ciidamadda dawladda.

RW-Rooble ahne nimaan xilka kala wareegin Rw-rihii isaga ka horeeyey ayaa waxaa la soo shegay inuu yahay nin qaba fikirka alshabaab lana meel joogo masuuliyiin ka tirsan dawladda soomaaliya,ka hor inta aan Rooble loo magacaabin xilka uu hadda haayo ayaa waxaa dhacday inuu dhawr jeer magaaladda Nayroobi kula kulmay taliyaha NISA Fahad,C/raxmaan dheere iyo C/weli muudeey oo ah gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka halkaasne looga soo dhaadhiciyey fikirki Fahad iyo inuu yahay nin aan gaari karin go’aan isaga kaligiis waajibne eey tahay in lala ogaado wax walba uu sameeynaayo,balan ka bixii uu Rooble ku sameyey midawga musharixiinta ayaa banaanka keentay inuu yahay nin la soo tashkiliyey watana fikirka alshabaab waxa uuna halis aad u weyn hadda ugu jiraan in la dilo haddii laga dareemo inuu u jilco midawga musharixiinta oo eey hadda kala boodeen,sidoo kale tashkiilitaan cusub ayaa la soo sheegay ineey qeyb ka yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda RW-Rooble sida wasiirka amniga gudaha Xasan Xundubeey iyo wasiirka musiibooyinka Khadiijo,masuuliyiinta ayaa waxaa Fahad ka geday dawladda Qadar una sheegay ineey yihiin dad la isku haleeyn karo hawl karna ah haqwshii loo dirana ka adag. Waxyaabaha sida aadka ah loola yaabay inteey jirtay dawladda Farmaajo ayaa ah in taliye ku xigenadda saldhigyadda booliska ee gobolka banaadir yihiin alshabaab sidoo kalane maamulka gobolka banadir alshabaab waxa eey ka yihiin ku xigeeno sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dawladda soomaaliyeed,hadaba RW-Rooble ahne nimeey soo tashkiliyeen Fahad iyo C/raxmaan Dheere ma noqon karaa nimeey isku haleeyn karaan tolkiisa,xigtadiisa iyo asaxaabtiisa kuwaasoo maanta u haysta inuu yahay nin wax tari kara berina loo han weynaan karo?

DIYAARIYE-ABKEEY.