RW-DHAAY OO KA QEYBGALAY XIL WAREEJIN.
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARE DHAAY OO XILKII…
(MUQDISHO)-Reysal Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/salaan Cabdi Cali(Dhaay) ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Yuusuf Maxamed Adan iyo Wasiirkii hore Xildhibaan Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim. Reysal Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha ey tahay xudunta hayadaha dawladda isagoo tillmaamay in Wasaaraddu horumar badan ey gaartay oo ey ka mid tahay shuruucda dhanka shaqaalaha,wuxuuna si gaar ah ugu amaanay diiwaangelintii lagu sameeyey dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda. Md.C/salaan Dhaay ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu dadaalo badan geliyo sidii loo horumarin lahaay shaqaalaha dalka Soomaaliya,isagoo alle uga baryey Wasiirka cusub inuu u fududeeyo masuuliyadda Qaranka ee loo igmaday.
ISHA-OPM.