RW-DAVID CAMERO OO BARE SARE KA NOQON…
DAVID CAMERON.
(DUBAI)-Reaysal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska David Cameron ayaa bilaabi doono inuu Barre sare ka noqdo Jaamicadda New York faraceeda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta(UAE),waxa uuna RW-Cameron shaqadiisa barenimo bilaabi doonaa bisha Janaayo-2023-ka,RW-Cameron ayaa Jaamicadda ka dhigi doono Cilmiga Siyaasadda.Warbixintii ugu horeysay kana hadlaysay in RW-Cameron bare ka noqon doono Dubai ayaa waxaa soo bandhigay Wargayska Financila Times ee dalka Ingiriiska,waxa uuna Wargaysku xusay in RW-Cameron wax ka dhigi doono Jaamicadda New York faraceeda Dubai ee dalka Immaaraatka Carabta(UAE) waxa uun aradayda bari doonaa”Sideey ardaydu ugu tababaran lahaayeen siyaasadda iyo dawladnimada iyo caqabadaha jiri karo”waane seddex todobaad inta uu RW-Cameron wax ka dhigaayo Jaamicadda New York Faraceeda Dubai,waxaane la filaa in RW-Cameron ka hadli doono dagaalka Yukrayn iyo socdaalka Qaaradda Yurub.
ISHA WARKA MEE.