SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RUUSHKA OO WEERAR DAD KU DHINTEEN UU KA DHACAY.

(SAWIRKA)-CORCUS CITY HALL EE LA WEERARAY MAANTA.

(MOSCOW)-Seddex qofood oo xirnaa dharka Kaamirooyinka ayaa toogtay,14-qofood ayaa lagu dilay hoolka Riwaayadaha ee dhaw caasimadda Moosko ee dalka Ruushka,Wakaaladda wararka RIA NOVOSTI ayaa sheegtay in seddex nin oo wejiyadda soo duubtay ey rasaas ku fureen gudaha Hool ku yaalo dhismo ganacsi oo ku yaalo caasimadda Ruushka. Wakaaladda wararka u faafiso dalka Ruushka ayaa sheegtay iyadoo soo xiganaysa hayadaha caafimaadka ee bixiy gargaarka deg dega ah in 14-qofood lagu dilay toogasho ka dhacday Hoolka Bandhiga ee Crocus City Hall oo u dhaw maglaadda caasimadda ah ee Moscow. Sida ey sheegtay wakaaladda ugu yaraan seddex ruux oo ku labisnaay dharka kaamerooyinka ayaa rasaas furay waxaane ku dhaawacmay dadka qaarkiis,waxayne wakaaldu intaas raacisay in goobta ey gaareen ciidamadda Booliska. Dhacdadaan ayaa ku bilaabaty rasaas,waxaane xigay dab ka kacay Hoolka Bandhig faneedka ee ku yaala xaafadd ka tirsan Moosko. Wararka qaarkood ayaa sheegayo in dhimashadu dhan tahay ilaa afartan(40)-qofood halka dadka dhaawacmayne ey dhan yihiin ilaa boqol(100)-qofood,waxaane hadda ololaaya Goobtii loogu talagalay in laga dhigo Riwaayadda,dadka uu qaado Hoolkan ayaa lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa 7,300-qofood. FADLA NALA SOCO.

ISHA/SB-MEDIA.