SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RUUSHKA OO VETO KU TUURAY QARAAR.

(SAWIRKA)-SAFIIRKA RUUSHKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(UN)-KA. Dalka Ruushka kana mid ah shanta dal ee leh awooda VETO ayaa maanta oo Talaada ah(11/7/23)-ka waxa uu awooda Veto u adeegsaday Qaraar ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay,Qaraarka ayaa ku saabsanaay waqti u kordhinta garagaar gaarsiinta dadka reer Suriya ayada oo laga soo gudbinaayo xuduuda u dhexeyso wadamada Suuriya iyo Turkiga muddo dhan sagaal bilood. Seddex iyo toban xubnood oo ka tirsan xubnaha Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa u cadeeyey in qaraarka la dhaqan geliyo,qaraarkan ayaa waxaa soo diyaariyey dalalka Switzerland iyo Brazil waxaane goobta codeynta ka maqnaay dalka Shiinaha laakinse dalka Ruushka kana mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ku guulaystay inuu adeegsado Diidmada Qayaxan ee Veto.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.