RUUSHKA OO OBAMA KA MAMNUUCAY…
SAWIRKA OBAMA IYO PUTIN.
(MOSCOW)-Dalka Ruushka ayaa dalkiisa ka mamnuucay iney soo galaan 500-qofood oo u dhashay dalka Maraykanka uuma ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama. Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ayaa faafisay liiska ey ku qoran yihiin magacyada dadkaan Maraykanka ah waxa eyna Wasaardu sheegtay in sababta loo qaatay go’aankaan tahay sidii jawaab looga bixin lahaay cunaqabateynta cusub ee lidka ku ah Ruushka taaso uu aqalka Cad ee Maraykanka ku dhawaaqay shalay oo Jimca ahayd(19/5/23)-ka.
ISHA WARKA AA.