SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RUUSHKA OO BALAN QAAD U SAMEEYEY…

SHIR JARAA’ID SOMALIA IYO RUSHKA.

(MOSCOW)-Dalka Ruushka waxaa weli ku sugan wafdi balaaran uu hogaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Mudane Abshir Huruse,Wasiir Huruse iyo dhgiisa Ruushka Lavrov ayaa galabnimadii maanta OO jimca ah waxa ey shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabteen caasimadda Moscow. Diblomaasiyiin Soomaali ah kuna sugan halka uu shirka Jaraa’id ka dhacayey maanta oo Jimca ah(26/5/23)-ka ayaa sheegay in dalka Ruushka uu Soomaaliya u balan qaaday inuu ka caawinaayo dhinaca ciidamadda kuwaaso hadda dagaal adag kula jiro kooxda Alshabaab,diblomaasiyiinta oo dalbaday inaan la sheegin magacyadooda sabab la xiriirto ayaga oo aan awood u lahayn iney la hadlaan warbaahinta ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Lavrov uu Soomaaliya u sameeyey balan qaad waqti lagu guda jiray wada hadalada uu la yeelanaayey dhigiisa Soomaaliya Haruse caasimadda Moscow. Mid ka mida diblomasiyiinta la qariyey magacyadooda ayaa sheegay in dalka Ruushka diyaar u yahay inuu dalka Soomaaliya siiyo saanad hub ah ey ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kula dagaalamaan kooxda argagixisada Alshabaab si loo sii xoojiyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.

ISHA WARKA VOA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.