SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ROME: SHIR BERRI KA FURMI DOONO DALKA TALYANIGA.

(SAWIRKA)-RW-GIORGIA MELONI.

(TRIPOLI-LIBYA)-Shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika ayaa lagu wadaa inuu Isniinta berri ah ka furmo magaaladda caasimadda ah Rome ee dalka Talyaaniga,shirkaan ayaa la filaa iney ka qeybgalaan 23-Hogaamiye iyo Madax ka kala socoto dalalka Carabta iyo Afrika waxaane ka mid ah Reysal Wasaaraha dalka Libiya C/xamid Dbeibah. Wakaaladda Wararka ee dalka Talyaaniga ee NOVA ayaa tilmaantay in shir Madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika ey dalacsiisay Reysal Wasaarada dalka Talyaaniga Giorgia Meloni,waxaane dalacsiintaan looga goleeyahay in lagu daah-furo Qorshaha Mattei kaaso loogu talagalay in lagu bilaabo weji cusub oo iskaashi siman oo aan guumaysi ahayn oo u dhexeeyo dalka Talyaaniga iyo dalalka Afrika. Ka qeybgalka Shirka Rome ayaa ah mid la xadiday waxaane ka soo qeybgelaayo ilaa 160-Wariye sabab amani darteed,sida ku cad xog sir ah oo laga helay Qasriga Chigi(Xafiiska RW-Meloni). Shirka berri ka furmaayo magaaladda caasimadda ah ee Rome ee dalka Talyaaniga ayaa ugu yaraan waxaa ka soo qeybgelaayo ilaa 23-Madax iyo dawladdo Afrikaan ah iyo 57-wufuud caalami ah. Martida ayaa waxa ey ka qeybgeli doonaa Casho Caawa ka dheceyso QUIRINALE oo ey wehliyaan wakiilo heer sare ah oo ka kala socdo hayadaha Gobolka iyo kuwa caalami ah ee ka shaqeeyo Afrika,Bangiga Adduunka,Hayda lacagta Adduunka iyo Hayadaha Qaramada Midoobe,sida ey sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Talyaaniga. Waxaa kaloo iyagana la filaa iney shirka yimaadiin saraakiil sar sare oo ka socodo Midawga Yurub eyna ka mid yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanada Yurub Roberto Metsola,Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel iyo Madaxa Golaha Yurub Ursula Von der Leyen.

ISHA/LIBYAN OBSERVER.

HALKAN KA SI AKHRISO.