(RIYAD): MIDAWGA YURUB IYO CARAB KU SHIREYSA…
(SAWIRKA)-SHIRKA RIYAAD.
(RIYAD-KSA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Boqortooyada Sacuud Carabiya ee Riyaad ayaa sheegaayo in Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta qaarkood iyo kuwa wadamada reer Galbeedka ey maanta oo Axad ah shir ku yeelanayaan magaaladda Riyaad iyagoo ka wada hadlaayo xaaladda dalka Suriya kaaso 8-dii bishii hore xukunka laga riday Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgelaayo ”Turkiga,Suriya,Sacuudiga,Imaataarka Carabta,Baxrayn,Cumaan,Qadar,Kuweyt,Ciraaq,Lubnaan,Masar,Urdun,Ingiriiska iyo Jarmalka,Maraykanka iyo Talyaaniga ayaa waxa metelaayo Wasiiro ku Xigeenada Arrimaha Dibadda”. Kulankaan ayaa daba socdo shir heer Wasiir ah oo ey yeesheen dalalka Carabta qaarkood gaar ahaan kuwa ey taabaneyso dhibaatada dalka Suriya ee deriska la ah,kulankaas oo ey ka qeybgaleen diblomaasiyiin sare kana kala socday dalalka”Sacuudiga,Imaaraatka,Baxrayn,Urdun,Suriya,Ciraaq,Cumaan,Qadar,Kuweyt,Lubnaan,Masar,Xoghayaha Guud ee Jaamicadda Carabta Axmed Abu Algheyth iyo Xoghayaha Guud ee Iskaashiga Khaliijka Jaasim Maxamed AL-Badawi”. Kulamada Riyaad ayaa lagu sii amba qaadayaa natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Caqaba ee dalka Urdun kaaso dhacay 14/12/2024-kii. Kulamada ayaa lagu nuuxniixsaday taageeradda shacabka Suriya,waxaane lagu balamay in la bixiyo wax kasta oo suuragal ah si loo sugo amaanka iyo xasoloonidda dalka Suriya. Bashaar AL-Asad,Hogaamiyihii Suriya muddo ku dhaw 25-sano ayaa u cararay dalka Ruushka ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda maamulka Dimishiq ey la wareegeen 8-dii disembar,taaso soo afjartay maamulkii Xisbigii AL-Bacath. La wareegitaanka ayaa yimid ka dib markii dagaalyahanada ururka Hayat Taxriir AL-shaam ey qabsadeen magaalooyin muhiim ah,weerar danab ah oo soo socday wax ka yar todobaad,waxaane talada dalka Suriya hadda la wareegay maamul cusub uu hogaamiyo Axmed Sharac.
ISHA-AA.