SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

REYSUL WASAARAHA SLOVAKIA OO SOO CAAFIMADAYA.

(SAWIR)-KA.WASIIRADDA CAAFIMAADKA,WASIIRKA G/DHIGA IYO MADAXA ISBITALKA JAAMICADDA.

(PEZINOK-SLOVAKIA)-Xaaladda Raysul Wasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa ahayd mid aad u halis ah,laakinse Sabtida maanta ah ayaa ninkii lagu soo eedeyey inuu isku dayey inuu khaarijiyo RW-Robert Fico ayaa wajahay Maxkamadiisii ugu horeysay. Laba saacadood Qaliin ah oo la sameeyey Jimcihii shalay si loo soo saaro unug dhintay ka dib markii Fico uu dhaawac aad culus uu ka soo gaaray raasaastii badneed ee lagu riday,waxaane hadda muuqata in RW-Fico uu soo kabanaayo laakinse weli ma fiicna inuu u safro isbitaal ku yaalo caasimadda Bratislava,sidaas waxaa banaanka isbitaalka la dhigay RW-Fico ee F.D.Roosevelt ee Banska ka sheegay Wasiiro ka socday dawladda Slovakia. Reysul Wasaare Fico oo 59-jir ah ayaa la weeraray xilli uu salaamayey taageerayaashiisa ka dib shir ey dawaladda Slovakia Arbacadii ku lahayd magaaladdii hore ee dhuxusha laga soo saaro ee Handlova,Eedeysanaha ayaa dhulka lagu dhuftay ka dibne la xiray. Cusbooneysiinta caafimaadka RW-Fico ayaa la soo saaray iyadoo ninka lagu eedeyey inuu isku dayey inuu dilo isaguna uu ka soo muuqday Maxkamadiisii ugu hireysay,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta xukuumadda Slovakia.

ISHA/HP.

SII AKHRI.