REYSAL WASAARIHII HORE EE TALYAANIGA OO…
SILVIO BERLUSCONI.
(ROME)-Reysal Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa loola cararay isbitaalka ku yaalo magaaladda Milan ee Waqooyiga dalka Talyaaniga maanta oo Arbaca ah(5/4/23)-ka waxaane Berlusconi la dhigay qeybta la geeyo dadka ey xaaladooda caafimaad aadka u liidato ee ICU-da,Berlusconi ayaa horay waxa uu u qabay (Infection) laga daaweyn jiray balse markaan xaaladda Berlusconi waa ey liidataa,sidaas waxaa warbaahinta dalka Talyaaniga u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mr.Antonio Tajani. Silvio Berlusconi oo ah 86-jir ayaa horay waxa uu dalka Talyaaniga uga soo noqday Reysal Wasaare tiro ka seddex jeer,waxa uuna Berlusconi hadda ku jiraa qola ICU-da ee isbitaalka San Raffaele ee magaaladda Milan,isbitaalkan ayaa ah kii horey loogu daaweynaayey Berlusconi markii uu bilaabay xanuunka looguna fidinaayey daryeel caafimaad sidaas waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani isla markaasne ah hogaamiyaha xisbiga Berlusconi ee “FORZA ITALIA”.
ISHA WARKA AP.
HALKAAN KA SII AKHRI.