SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

REYSAL WASAARE XAMSE OO KA QEYBGALAY…

(SAWIRKA)-XAFLADDA FURITAANKA.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Cadaaladdu ey Laf-dhabar u tahay Nolosha Bulshada haddii aan si wadajir ah looga shaqeyna aan la gaari karin wax Horumar ah. RW-Xamse ayaa tilmaamay ahmiyadda ey leedahay in la helo xeerar iyo sharciyo dhammaystiran oo hagaya hanaanka Cadaaladda dalka Soomaaliya,si ey bulshadu u hesho garsoor loo wada siman yahay. “Cadaaladdu nolosha waxa ey kaga jirtaa door muhiim ah,dhaqaale ahaan,bulsho ahaan,Amni ahaan iyo hogaan ahaan intaba,waa arrin muhim ah waxa eyna la xiriirtaa xuquuqda iyo runta oo la acdeeyo,iyadoo aan dadka loo kala sareysiineyn midab,qabiil iyo awood midna”ayuu yiri RW-Xamse Cabdi Barre. RW-Xamse ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ka shaqeynta Istaraatiijiyadda Qaranka,waxa uuna kula dardaarmay bahda Garsoorka dalka iney si siman ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed isla markaasne laga fogaado wax walba oo keeni kara eex iyo ku takrifal awoodeed.

ISHA-XAFIISKA REYSAL WASAARAHA(OPM).