RAYSAL WASAARAHA KMG EE HAYTI OO CIIDAMO KA DALBADAY….
PORT-AU-PRINCE: Maalintii arbacadda ee la soo dhaafay waxaa dalka Haiti lagu dilay madaxweynihii dalkaas Jovene Moise ka dib markii koox aad hubaysan eey soo weerareen gurigiisa waxaane isla weerarkaas ku dhaawacantay xaaskiisa taasoo hadda lagu daaweynaayo gudaha Maraykanka. Raysal wasaaraha dalkaas Haiti Claude Joseph oo waraysi siiyey wakaaladda wararka AP ayaa sheegay inuu ciidamo sugo amaanka dalka Haiti ka dalbanaayo wadamada saaxibka la ah Haiti eeyna ugu horeeyso dawladda maraykanka. FBI-da iyo amniga gudaha ayaa qeyb ka noqon doono baaritaanka dilkii madaxweynihii Haiti oo ilaa iyo hadda loo soo xiray dad gaaraayo 17-qofood oo u badan askar hore oo u dhalatay dalka Kolombiya,dadkaan weeraray madaxwenihii hore ee Haiti ayaa la soo sheegay ineey soo diyaariyeen afar shirkadood oo ku sugan dalka Haiti dibadiisa. ISHA WARKA ABC-NEWS.