SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

RAISI: IRAAN MA AHA SAC REER GALBEED CAANO KA LISTO.

MADAXWEYNAHA IRAAN EBRAHIM RAISI.

(TEHRAN)-Madaxweynaha dalka Iraan Ebrahim Raisi ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in dalka Iraan xoreeyey 43-sano ka hor la haystayaashii lagu haystay gudaha safaaradda Marakanka ee caasimadda dalka Iraan ee Tehan,Madaweynaha ayaa intaas sii raaciyey in dalka Iraan uusan ahayn SAC eey caanaha ka listaan wadamadda reer galbeedka ee awooda leh. Mar uu u jawaabayey Madaxweynaha Maraykanaka Mr.Biden ayuu Raisi yiri”Dalka Iraan waa dal xor ah”,dhammaan hadaladaan uu sheegay maanta Madaxweyne Raisi ayaa yimid ka dib markii uu ka qeybgalay xaflad lagu maamuusayey sannad guuradii 43-aad ee ka soo wareegtay afduubkii lagula kacay shaqaalihii safaaradda Maraykanka ee magaaladda Tehran ee dalkaasi Iraan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.