RAILA ODINGA OO DIIDAY NATIIJADII.
RAILA ODINGA.
(NAIROBI)-Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacday doorashadii afar sannadlaha ahayd waxaane sannadkaan la qabtay 9/8/22-ka waxa ayna doorashada ka dhacday dalka Kenya oo dhan,tartanka kursiga Madaxweynaha ayaa ahaay mid xiiso badan waxa uuna u dhexeeyey William Ruto oo ahaay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya afartii sano ee la soo dhaafay iyo hogaamiyaha ugu caansan mucaaradka Kenya ee Raila Odinga,labadaan nin ayaa aad isugu dhawaay markii la tirinaayey codadka waxaane korjoogto ahaan doorashada Kenya u joogay 18000-qofood kana kala socotay addunka oo dhan.Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday natiijadii ka soo baxday doorashadii kursiga Madaxweynaha ee dalka Kenya taaso dhacday 9/8/22-ka. Odinga oo qabtay shir jaeaa’id kana hadlay natiijada doorashada ayaa sheegay ineey ceeb ku tahay dimuqaradiyadda natiijo sidaan ah,madaxa gudiga doorashooyinka Kenya Chebukati ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqay natiijada sheegayne in William Ruto uu ku guulaystay xilka Madaxweynaha Kenya afarta sano ee soo socoto.
ISHA WARKA AA.