RAG LOO SOO QABTAY DILKII KA DHACAY ECUADOR.
(SAWIRKA)-LIXDII QOFOOD EE LOO QABTAY DILKII.
(QUITO-ECUADOR)-Lix nin oo u dhalatay dalka Kolombiya laguna tuhmaayo iney dileen Musharax Madaxweyne ee dalka Ecuador shalay oo Arbaca ahayd ayaa la soo xiray sidaas waxaa sheegay booliska maanta oo Khamiis ah. Xukuumadda Ecuador ayaa wado baaritaan la xiriiro sababta keentay in la galo dembigaan kaas ey ka wada nexeen shacabka Ecuador,waxaane hubanti ah in dilkaan xiriir la leeyahay ka Ganacsiga Daroogada waayo Musharax Madaxeyne Fernando Villavicencio (59)-jir ah ayaa ku baaqay haddii la doorto inuu la dagaalami doono kooxda ka ganacsatada Daroogada ee Cartel iyo Musuqa ka jiro dalka Ecuador. Lixda nin ee loo soo qabtay dilka Muasharaxa Madaxweyne una dhalatay dalka Kolombiya ayaa kuwada sugnaay caasimadda Ecuador Quito sida lagu sheegay warbixin ey heshay Wakaaladda Wararka ee Associated Press(AP). Saraakiisha soo qabatay lixda nin ayaa sheegay in gurigii ey degaanayeen ragaaan la soo xiray laga helay afar bastoolad,hal qori,rasaas badan iyo bam gacmeed,waxaane guriga yiilay baabuur iyo hal mooto.
ISHA/ARAB NEWS.