RAG KA TIRSAN ALSHABAB OO XABSI KA BAXSADAY.
(KENYA):Booliska dalka Kenya ayaa shalay oo Isniin ahayd(15/11/2021)-ka sheegay in rag u xirnaay falal argagixiso ka baxsadeen xabsiga,raga baxsaday ayuu boolisku ku sheegay inuu ka mid yahay Maxamed Cali Bikar oo ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday Jaamicadda Gaariisa sannadkii 2015-kii,waxaa kaloo ka mida raga xabsiga ka baxsaday Musharaf Cabdallah Akhulungi loona yaqaano “Zarqaawi amaba Shukri",waxaane Musharaf la soo xiray 30/9/2012-kii ka dib markii uu ka qeyb qaatay weerar lagu qaaday dhismaha baarlamaanka,qofka seddexaad isna ka baxsaday xabsiga ayaa la yiraahdaa Joseph Odhiamo loona yaqaano “Yuusuf”.Maamulka gobolka Gaariisa ayaa sheegay inuu bixin doono lacag dhan labaatan milyan oo shillinka Kenya ah una dhiganto($178,332.59) oo doolarka dalka Maraykanka ah qofka soo sheega amaba suurageliya in gacanta lagu soo dhigo ragaan baxsadka ah.ISHA STAR.