QUBANAHA WARARKA SOOMALIYA.
QARAX.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaayo ineey ka dheceen laba qarax eey dad ku dhinteen kuna dhaawacmeen. Qarax hore ayaa ahaay mid nuuca lagu xiro baabuurta waxaane lagu xiray baabuur uu leeyahay gudoomiye ku xigeen dhinaca amniga iyo siyaasadda degmafa Y/shiid ee G/Banaadir AUN- Macallin Xuseen Filawayne,masuulkan ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray,qaraxa ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee G/banaadir. Qaraxa labaad ayaa maanta duhurnimadii waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaaladda Muqdisjo gaar ahaan isgoyska shaqaalaha oo u dhaw xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha kuna taalo degmada Hodan ee G/Banaadir,qaraxaan ayaa isna ahaay mid lagu xiray baabuur eey leeyihiin ciidamadda Booliska Soomaaliyeed,inta la xaqiijiyey qaraxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa laba qofood uu ka mid yahay darawalkii baabuurka kaaso dhaawcisu yahay mid culus sida la soo sheegay. Qaraxyadaan ka dheceen magaaladda Muqdisho ayaa dhammaantooda waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.
ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).