SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QORSHAHA INGIRIISKA IYO RUWANDA MA HIRGELI DOONAA?

(UK)-Waxaa jiro qorshe eey isku afgarteen dalalka Ingiriiska iyo Ruwaanda qorshaaso ah in dadka magangalyo doonka ah soona gaara dalak Ingiriiska la geeyo dalkaas Ruwaanda inta laga dhammaystiraayo macaamiladooda waa sida eey sheegtay wasiiradda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha gudaha PRITI PATEL mar eey la kulantay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Ruwaanda,arrintaan ayaa waxaa si adag uga soo horjestay hayadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR-ta.Jamel waa wiil u dhashay dalka Eritereeya soona gaaray dalkaas Ingiriiska isagoo soo maray badda,Jamel ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan in la geyhaayo dalka Ruwaanda inta eey ka dhamaneyso macaamiladiisa,Jamel ayaa ku jawaabay”Haddii eey diraan Ruwaanda ma aadaayo,halkaan ayaan ku dhimanaayaa,aniga ayaana is dilaayo,ma og tahay meeqa mayl ayan soo jaray si aan u imaado halkaan(UK),meeqa ayuu iga qaatay dhulka lama degaanka ah si aan u soo gaaro halkaan(UK),dhammanteyn waxa aan soo sameeynay nafhurid,dad badan ayaa naftooda ku waayey badda dalkayga(Eritereeya)ayaan hadda ka imid mana u noqon karo AFRIKA”.

XIGASHO:THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRISO.