QORSHAHA HANTI-DHAWRKA QARANKA 2025.
(SAWIRKA)-HANTI-DHAWRKA QARANKA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hanti Dhawraha Guud ee Soomaaliya Md.Axmed Ciise Guutaale,ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarisyadda Xafiiska Hantidhawrka Guud ee sannadkaan 2025-ka. Qorshaha ayaa ka kooban ilaa lix qeybood kalana ah: (1)-Baarista Warbixin Maaliyadeedka(Financial Audit). (2)-Baarista Mashaariicda (Project Audit). (3)-Baarista u hogaansanaanta sharciga (ComplianceAudit). (4)-Baarista Waxqabadka(Performance Audit). (5)-Baarista Macluumaadka Teknoolojiyadda(Information System). (6)-Baarista Gaarka ah(Spcial Audit). Hanti-dhawraha Guud ee Soomaaliya Md.Guutaale ayaa shaqaalaha hanti-dhawrka ku wargeliyey iney si adag isaga xil saaraan hawshooda,waxa uuna carabka ku adkeeyey iney ku taagnaadaan wadada isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si ey u soo baxdo natiijo waxtar u leh ilaalinta kheyraadka iyo Hantida Qaranka Soomaaliyeed taaso xoojineysa dawladnimadda.
ISHA-MUSTAQBAL.