QOORQOOR OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.
(SAWIRKA)-NAFTII HURE AXMED C/QAADIR SHEEKH MAXAMUUD.
(WISIL)-Wararka ka imaanayo degmada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa sheegaayo in saakay halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah uuna gaystay nin naftii haliga ah oo watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa,sida la soo sheegay gaariga weday waxyaabaha Qarxa ayaa ahaay mid eysan karin xabadda kaaso lagu soo farsameeyey gudaha dalka Soomaaliya. Weerarka ayaa ku jihaysnaa guri ey deganaayeen masuuliyiin sarsare kana kala tirsan maamulka Galmudug iyo heer Federaal,sida la soo sheegay waxaa goobta qaraxa lala beegsaday ku sugnaay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor,Senitar Cabdi Qeydiid iyo Xildhibaan C/salaam Dhabanacad iyo Wasiir Axmed Xasan Aden. Weerarka oo ku soo afjarmay fashal ayaa waxaa ku dhintay laba askeri kana tirsan Daraawiishta Galmudug kalana ah Axmed C/qaadir Sheekh Maxamuud(Fiiqane) iyo Maxamed Cumar Xasan alle ha naxariito.
ISHA/ALLABANADIR.