SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QM OO SHEEGTAY 6.9-MILYAN OO SOOMAALI AH U BAAHAN DOONAAN..

(SAWIRKA)-DAD SOOMAALIYEED OO KA BARAKACAY DHULKOODII.

(MUQDISHO)-Qaramada Midoobe ayaa Jimcihii shalay sheegtay in Soomaaliya ey la kulmi doonto waqti aad u adag sannadka 2024-ka maadaama malaayiin qofood oo Soomaali ah ey u baahan doonaan gargaar Bani’adanimo si lamida sannadihii ugu dambeeyey. Qoraal uu soo saaray Xafiiska isku xirka Arrimaha Bani’adanimo(OCHA) ayaa lagu sheegay in qiyaastii 6.9-Milyan oo qofood oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya ey u baahan doonaan gargaar. Dalka Soomaliya ayaa ka soo kabanaayo abaartii ugu xumeyd iyo abaartii ugu daba dheereed muddo afartan sano ah,abaarahaasi waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa 43-kun qofood oo Soomaali ah,waxaane dhulkoodii ka barakacay in ka badan 1.5-Milyan qofood,waxaane arrinta uga sii daray roobabkii ka da’ay dalka iyo cimiladda EL-Nino. Qaramada ayaa horay waxa ey u sheegtay in tira badan oo Soomaali ah ey u baahnaan doonaa Gargaar sannadkan-2024-ka waayo ayey tiri Qaramada Midoobe EL-Nino waxa ey baabi’isay nolosha kumaan dad Soomaaliyeed ah waxa eyna uga sii dartay xaaladda bani’aadnimo ee dalka Soomaaliya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.