SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QM OO KA HADASHAY FAQRIGA IYO NABADDA.

(SAWIRKA)-FAQRIGA KA JIRA ADDUUNKA.

(UN)-Wararka ka imanaayo Xarunta Qaramadda Midoobe ayaa sheegaayo in ka badan hal bilyan oo qof iney ku nool yihiin faqri ba’an adduunka oo dhan,warbixin uu soo saartay Barnaamilja Horumarinta Qaramadda Midoobe ee loo yaqaano UNDP ayaa lagu sheegay maanta oo Khamiis ah,iyadoo caruurta ey ka badan yihiin kala bar dadka ey dhibaatadaan saameysay. Wargayska oo la daabacay Oxford Poverty and Human Development Intiative(OPHI) ayaa iftiimiyey in heerka faqriga uu seddex jeer ka badan yahay dalalka ey dagaaladu ka socdaan,iyadoo sannadkii 2023-kii la arkay colaadihii ugu badnaa ee adduunka ka dhaca tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka. UNDP-da iyo OPHI-da waxa ey daabaceen Tusaha Saboolnimada kala duwan sannadkiiba tan iyo sannadkii 2010-kii,iyagoo xogta ka soo ururiyey 112-dal oo ey ku nool yihiin 6.3-Bilyan oo qof. Waxa ey isticmaaleen tilmaamayaal sida Guryaha oo aan ku filneyn,caafimaadka,Korontada,waxyaabha wax lagu karsado,nafaqada iyo dugsiyadda oo la aado. “Sannadkan 2024-ka MPI waxa uu bixiyey sawiro xusuus leh:1.1-bilyan oo qof ayaa u adkeystay faqri dhinacyo badan leh,kuwaaso 455-Milyan oo ka mid ah ey ku nool yihiin harka colaada”ayuu yiri Yanchun Zhang oo ah Madaxa Tirakoobka ee UNDP. “Dadka saboolka ah ee ku nool dalalka ey colaaduhu saameyeen,halganka aasaasiga ah waa dagaal aad u adag oo Quus ah” Zhang ayaa sidaas u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP. Warbixintu waxa ey ku nuuxnuuxsatay warbixintii sannadkii hore in 1.1-bilyan oo ka mid ah 6.1-bilyan qofood oo ku kala nool 110-wadan ey wajahayaan saboolnimo aad u badan. Warqadda soo baxday maanta oo Khamiis ah ayaa muujineysa in ilaa 584-Milyan oo qof oo da’adoodu ka yar tahay 18-jir ey soo food saartay faqri aad u daran taaso u dhiganta 27.9% caruurta adduunka markii la barbar dhigo 13.5% dadka waa weyn. Waxay kaloo muujisay warbixintu in 83.2% dadka ugu saboolsan adduunka ey ku nool yihiin dhulka Saxaraha ka hooseeyo ee Qaaradda Afrika iyo Koonfurta Qaaradda Aasiya. Sabina AL-kire oo ah Agaasimaha OPHI ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP in iska horimaadyadda ey caqabad ku yihiin dadaaladda lagu dhimaayo Faqriga. “Heerarka Qaar,natiijooyinkaan waa kuwa caqli gal ah laakinse waxaa inaga naxsaday waxay ahayd baaxadda dadka u halgamaayo iney ku noolaadaan nolol wanaagsan isla markaasne u baqaayo Amaankooda-455-Milyan”ayey tiri. Sabin AL-Kire ayaa hadlkeedii raacisay”Tani waxa ey muujineysaa caqabadaha adag balse aan laga maarmi karin oo beesha caalamka ku ah iney ka fogaato dhimista Faqriga iyo xoojinta nabadda,si nabad kasta oo soo socoto ey dhab ahaantii u sii jirto”. Hindiya waxa ahayd dalka ugu badan ee ey ku nool yihiin dadka ugu badan ey hayso saboolnimo ba’an,taasoo saameysay 234-Milyan oo ka mid ah 1.4-Bilyan oo Hindi ah. Waxaa ku xiga dalalka Bakistaan,Itoobiya,Nayjeeriya iyo Jamhuuriyadda Dimuqadaraadiga Koongo. Shantaan wadan waxay ahaayeen wadamo ey ku noolaayeen ku dhawaad kala bar 1.1-Bilyan oo qof oo sabool ah.

ISHA-UN-KA.