WAXEEY SAXIIXEEN INEEY NOQON DOONAAN AMNI ILAALIYEYAAL KA HAWLGELI DOONO DALKA QADAR.
Seddex qoys oo soomaali ah ayaa wakaaladd wararka ee REUTERS u sheegay in wiilashooda eey shaqaaleeysay DFS waxa eeyna u sheegtay ineey ka hawlgeli doonaan dalka Qadar,nasiib darase waalidiinta ayaa ogaaday in wiilashaooda loo diray dalka Eritereeya si xoog ahne loo askareeyey ugu dambayntiina eey ka qeybgaleen dagaalka u dhexeeyey qowmiyadda Tigray iyo dawladda Itoobiya oo uu hogaamiyo Abiy Axmed oo saaxib dhaw la ah madaxweynayaasha soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo kan Eritereeya Afawerke.Arrintaan ayaa noqotay mid soo jiidatay dareenka caalamka sababtayne in wax la iska weydiiyo sida eey wax u jiraan iyo cidda ka dambaysa,dalka Qadar oo ah dalka magacooda lagu shaqaaleeyey dhallinyaradaan ayaa war ka soo saartay sheegtayne ineey samayn doonto baaritaan daahfuran isla markaasne sharciga hor keeni doonto cidda magacooda ku shaqaaleeysay dhallinyaradda soomaaliyeed,xog kooban oo laga helay qaabka dhallintaan loo qoray ayaa tilmaamtay in dhallintaan badankooda lagula kulmay laguna diiwaan geliyey dugsiga tababarka NISA ee magaaladda Muqdisho loona yaqaano SHIRBOOW,xaruntaan ayaa ah dugsigii H/Dhexe ee SHIBIS kuna yaalo degmada SHIBIS,midne ma la iska indha tiri karo in taliyaha NISA yahay shaqsiga loogu yeero MILKIILAHA DFS waayo dhaqaalaha kaga yimaado dalka QADAR si toosa/Dadban ugu fushado arrimihiisa siyaasdeed ee dalka soomaaliya.XIGASHO THE TELEGRAPH.