QAS KA JIRO BOOLISKA CAASIMADDA MUQDISHO.
Tan iyo markii xilka laga qaaday taliyihii hore ee booliska G/Banaadir Gen.Saadaq Cumar Xasan(Saadaq Joon) sedex iyo tobankii bishaan abriil ka dib markii uu sheegay inuu ka soo horjeedo waqti kororsiga eey ku dhaqaaqday xukuumadda waqtigeda dhammaaday gaar ahaan madaxweynaha iyo golaha shacabka,arrintaan ayaa waxa ka dhashay arrimo fara badan oo qalqal geliyey amniga caasmadda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxayna sababtay in taliyeyaal madax ka ahaay saldhigyada G/Banaadir xilalka laga qaado kuwa kalane la magacaabo waxaane sii batay shakigii laga qabay saraakiishaas xilalka laga qaaday,taliyeyaasha xilka laga qaaday ayaa kala ah:
1-Maxamuud Jeego-ku xigeenkii taliyaha booliska G/Banadir.
2-Yuusuf xundubeey-Ku xigeenkii taliyaha qeybta Galbeed.
3-Shucayb Cabdi Maxamuud-Taliyihii saldhiga Hawl-wadaag.
4-Maxamuud C/qaadir Mooshin-Taliyihii saldhiga Waaberi.
Taliyeyaasha la isku bedelay iyo kuwa cusub oo la magacaabay.
1-Axmed C/laahi Baashane—taliyihi hore Saldhiga Shibis loo bedelay Saldhiga Waaberi.
2-Farxaan Jaraaye—Sarkaal ka tirsan saldhiga Y/shiid loo magacabay saldhiga Wadajir.
3-Farxaan Axmed Xasan—taliye ku xigeenkii Y/shiid loo magacabay saldhiga Shibis.
4-Najiib Carab—Talyihii hore saldhiga Dayniile loo bedelay saldhiga Hawlwadaag.
5-Cali Calasaw(Goofjooge)—taliyihii hore saldhiga Huriwa loo bedelay Qeybta Galbeed.
Waxaa xusid in taliyaha lagu bedelay taliyihii hore ee booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole uu dalbaday in xilalka laga qaado qaar ka mida taliyeyasha saldhiyada G/Banadir sida:
Taliyaha saldhiga Wadajir.
taliyaha saldhiga Shibis
Taliyaha saldhiga Waaberi.
Taliyaha saldhiga H/wadaag.
taliyaha saldhiga Dayniile.
Waxaane la soo sheegay in saraakiil ka tirsan booliska soomaaliya xilkiina laga qaaday ineey ku biireen ayaga ciidamooda kuwa taliya Saadaq Joon hadane eey ku sugan yihiin Shiirkole,saraakiisha aan helay magacyadooda ayaa kala ah Jeego,Mahad Korow,Maxamed -khadar iyo yuusuf Xundubeey,waxaane weli cakiran amniga Shiirkole ooeey dhici karto in la isku gacan saaro waqti kasta.
Waxaa diyaariyey—Abkey.