SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAXYO MATAANA AH OO KA DHACAY DALKA UGANDA.

(KENYA):Dawladda Kenya ayaa feejignaan dheeri ah waxa eey gelisay ciidamadeeda amaanka gaar ahaan kuwooda ku sugan magaalooyinka iyo xuduudada dalka ka dib markii subixii hore ee maanta eey laba qarax oo aad isugu dhaw eey ka dheceen caasimadda dalka Ugand ee Kampla,qaraxa hore ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw saldhig boolis markeey saacada kampala ahayd tobankii iyo seddex daqiiqo(10:03)-AM ee subaxnimo waxaane qaraxaas ku dhintay laba askeri waxaane ku dhaawacmay todobo iyo toban(17)-qofood,qarax labaad ayaa isagana waxa uu ka dhacay meel ku dhaw xarunta baarlamaanka dalka Uganda waxaane ku dhintay ha qof waxaane ku dhaawacmay lix iyo toban(16)-qofood,qaraxa labaad ayaa waxa uu dhacay seddex daqiiqo ka dib qaraxii hore waxa uuna dhacay tobankii iyo lix daqiiqo(10:06)-AM ee subaxnimo,qaraxaan labaad ayaa waxaa fuliyey laba rag ah kalana watay mooto laba lugooleey sida laga soo xigtay sawir eey soo saareen booliska lagana soo qaaday kaamerada qarsoon ee CCTv-da,shan ka mid dadka ku dhaawacmay qaraxyadii ruxay Kampala maanta ayey xaaladoodu aad u liidataa,waxaane jiray qof afaraad oo la socday ragaan is qarxiyey balse eey qabteen ciidmadda amaanka ee dalka Uganda,guud ahaan dadka ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay Kampala ayaa lagu sheegay iney dhan yihiin seddex qofood kuwa ku dhaawacmayne waxa eey dhan yihiin sodon iyo seddex qofood.ISHA WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.