SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAXYO IYO AMARO CUSUB…

(SAWIRKA)-BAABUURKA LA EEGTAY QARAXA.

(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal ey sameeyeen ciidamadda dawladda iyo kuwa saaxibadda caalaamka kana dhacay Tuulada Buulada Maxamed Cabdalla ee hoostagta degmada Awdheegle ee G/shabeelada hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaane hawlgalkaasi lagu dilay ilaa sagaal iyo toban(19) maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab. Warbaahinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlagalka ey si wada jir ah u wada fuliyeen saaxibadda caalamka iyo ciidamo ka tirsan NISA,saraakiil ka tirsan hayadda NISA ayaa laga soo xigtay iney sheegeen in hawlgalka lagu burburiyey hub,saanad iyo gaadiid dagaal oo kooxda u yiilay goobta la weeraray,hawlgalkaan ayaa ah kii labaad muddo todobaad ah oo ey ciidamadu ka fuliyaan Gobolka Shabeelada hoose hawlgalkii hore ayaa laga fuliyey degaanka Beledul-Amiin.

GOBOLKA BANAADIR:

Maamulka Gobolka Banaadir amar uu soo saaray maanta oo Axad ah(11/6/23)-ka ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in gaadiidka daweynaha ee ka hawlgala caasimadda Muqdisho uusan qaadi karin Askeri hubaysan,gaadiidka uu amarkaan cusub khuseyn doono ayaa waxaa ka mida Mooto Bajaajka,Mootada laba lugooleyda(Fekon) iyo baabuurta raaxada,baaburta ey wataan masuuliyiinta qaranka ayaa la amray ineysan hub ku dhex wadan karin caasimadda Muqdisho. Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii ku xadgudubta sharcigaan lana horgeyn doono maxkamada. Dhinaca kale, meel ku dhaw isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho ayaa saakay waxaa ka dhacay Qarax nuuca lagu xiro baabuurta ah,Qaraxaan ayaa waxa lagu soo dhejiyey gaari uu watay sarkaal ka tirsan ciidamadda Booliska Soomaaliyeed magacaiisana lagu sheegay in la yiraahdo Nasiib Daahir Cali,hayadaha amaanka ma sheegin qeybta uu ka tirsanay sarkaalkan iyo darajadiisa ciidan. Sarlkaalkan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac aan la sheegin inta uu la eg yahay balse waxaa loola cararay isbitaalka waxaane goobta soo buux dhaafiyey ciidamo ka socdo hayadaha amanaanka si ey baaris ugu sameeyaan nuuca uu yahay Qaraxa.

DEGMADA MARKA:

Wararka ka imaanayo degmada Marka ee Gobolka shabeeladda Hoose ayaa sheegaayo in habeenkii xalay miino loogu dhejiyey baabuur uu iska leeyahay sarkaal ka tirsan ciidamada NISA magaciisana lagu sheegay Xasan Cismaan Cali”Taliye kush-gale”,sarlaakan ayaa u geeriyooday qaraxii loogu xiray baabuurkiisa waxaane ku dhaawacmaya ilaaladiisa qaar ka mid ah lana socotay waqtiga uu dhacayey qaraxa. Degaanka Buufow ayuu ahaay halka uu ka dhacay qaraxa lagu dhejiyey baabuurka sarkaalkan waxaane goobta si deg deg ah u soo gaaray ciidamada amaanka ee degmada Marka si ey baaris uga sameeyaan halka uu qaraxa ka dhacay. Sarkaalkan geeriyooday ayaa waxa uu la dhashay gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Cali kaaso isgana lagu dilay qarax ismiidaamin ah lagana fuliyey gudaha degmada Marka.

ISHA WARKA SB-MEDIA.