SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAXYADDA KA DHACAY MUQDISHO.

Marka laga hadlaayo qarax waxaa isla markiiba caqligaada ku soo dhacayo su’aasha ah waa mid nuucee ah qaraxa? Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan magaaladda Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo kala gedisan oo loola dan leeyahay masuuliyiin hore iyo kuwa hadda ka tirsan dawaladda,nuucyadda qaraxyadda ka dhaca Muqdisho ayaa kala ah qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa,baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo miino la dhigo wadada dhinaceeda lagana xukumo meel fog,hadaba qoraalkaan ayaan waxa aan kaga hadlaa qaraxyadda ka dhasha miinada la dhigo wadada dhinaceeda loona yaqaano’ soo boodo’. Nuuca miinadda ayaa sida la sheegay waxa eey dalka soo gashay sannadkii 2006-dii waqtigaasoo uu dagaal Muqdisho ku dhexmaray ciidamaddii Itoobiya iyo hogaankii Maxaakimta,sida la shegayne miinadaan soo boodada ah ayaa waxaa laga keenay dalka Eriteeriya taasoo waqtigaas eey colaad ba’an kala dhexeeysay dawladdii Itoobiya ee uu hogaaminaayey R/W-Melezenawi, haraagii miinooyinkaas ayaa waxaa gacanta ku dhigay kooxda alshabaab mana eeysan adeegsan laakinse hadda oo somaaliya eey ku jirto waqti kala guura ayaa la arkay miinada soo boodada ah oo lagu isticmaalo Muqdisho,Hirshabeele iyo Galmudug,dadka qaarkiis ayaa waxa eey qabaan in miinooyinka laga keenay Eritereeya loona gudbiyey alshabaab si eey ugu laayaan siyaasiyiin la rabo in laga takhaluso heshiisne loo wada yahay,hadaba halkaan ayaan waxaan rabaa inaan idiiin kugu soo gudbiyo qaar ka mida qaraxyadii ka dhacay Muqdisho loona adeegsaday miinada SOO BOODADA AH:

(1)-20/10/2020-kii,waxaa qarax loo adeegsaday miinada soo booda loo adeegsaday Agaasimaha Hayadd socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi,agasimaha waa uu ka badbaaday qaraxaas,qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taala KM-4.

(2)-5/11/2020-kii,waxaa qarax lala eegtay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda Duraan Axmed Faarax,qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw madaxtooyadii c/qasim ee degmada Hodan,wasiirka waa uu ka badbaaday qaraxaas.

(3)-7/11/2020-kii,waxaa qarax lala eegtay Dr.Dufle ahne sinitar ka tirsan aqalka sare,qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeeyso isgoyska sayidka iyo Hotel Dayax gaar ahaan afafaka hore ee Daacad Car care.

(4)-12/11/202-kii,qarax ayaa waxa uu ka dhacay wadad 21-ka oktoobar qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay gudoomiyihii hore ee degmada Hodan AUN_ C/xakiin,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaaladiisa isagane waa uu ku dhaawacmay.

(5)-28/11/2020-kii,qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isbitaalka dhimirka iyo qaaxadda ee Laasareeti kuna yaalo degmada C/casiis ee gobolka banaadir,qaraxa ayaa lala eegtay maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Washington waane uu ka badbaaday in kastoo eey wax ku noqdeen ilaaladiisa.

(6)-29/12/2020-kii,qarax ayaa ayaa waxa uu ka dhacay degmada Karaan ee gobolka banaadir qarax ayaa lala eegtay xildhibaan hore hadana ah nabadoon lana yiraahdo Muxyadiin Xasan Afrax,qaraxa ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray ilaaladii nabadoonka kaasoo aan la socon baabuurkiisa marka uu dhacaayey qaraxa.

(7)-5/1/2021-ka,waxaa qarax lala eegtay afhayeenka booliska soomaaliyeed Saadaq Aadan Cali,afahayeenka ayaa waqtigaas la socon baabuurkisa oo maraayey wadada 21-ka oktoobar ee magaaladda Muqdisho.

(8)-7/1/2021-ka,Degaanka Garasbaaleey ayaa waxa uu dhacay qarax waxaane qaraxaas ku dhintay ku xigeenkii gudoomiyaha degaanka Garasbaaleey iyo gudoomiyihii dhallinyaradda Garasbaaleey.

(9)-20/1/2021-ka,waxaa qarax lala eegtay gudoomiuyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir C/laahi Axmed Cariifqaraxa ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Tawfiiq ee degmada Yaaqshiid axaane ku dhaawacmay laba ilaaladiisa ah.

(10)-23/1/2021-ka,qarax ayaa waxa uu ka dhacay Beexaani degmada shibis ee gobolka Banadir qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay xildhibaano hore oo lala ah Muxyadiin Xasan afrax iyo Xuseen Caraale,qaraxaan ayaa waxaa dhaawac xun uu ka soo gaaray xildhibaan hore Caraale kaasoo ilaa hadda jiifa isbitaalka Ordogaan Ex Digfeer ee magaaladda Muqdisho.