SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAXI XALAY KA DHACAY MUQDISHO UU FULIYEY…

(SAWIRKA)-GAARI GACAN.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegayo in habeenkii xalay halkaasi uu ka dhacay Qarax dhawaqiis laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaaladda Muqdisho,Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Sayidka dhinaca xiga degmada H/wadaag,Qaraxa ayaan gaysan wax dhibaato marka loo fiiriyo Jugtiisa inta ey la ekeed. Qaraxii xalay ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxa uuna qaraxa la beegsaday askar ku sugneed isgoyska waxaane sida la sheegay qaraxa ku dhaawacmay hal askeri uuna ku dhintay naftii haligihii ismiidaamiyey,naftii haligaha ayaa askeiga dhaawacmay ka diiday inuu istaago dabadeedna isqarxiyey. Goobta xalay uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah ayaa ah goob ey fariistaan ciidamo ka tirsan DFS iyo dad kale oo shacab ah. Warar ayaa sheegaayo in naftii haliga uu ka mid ahaay ganacsato yar yar oo ku ganacsata hareeraha wadooyinka isla markaasne haystay Gaari gacan yar oo alaabo uu iibinayey ey u saarneed.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.