QARAX XALAY KA DHACAY BLACK SEA.
(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Ma aha wax lala yaabo marka la arko kooxda Alshabaab oo sameeysay Qarax ey dad,hanti iyo duunyo wax ku noqdeen ma aha markii ugu horeysay amaba ugu dambaysay ey sameeyso kooxdu sidaan,waxaase is weydiin mudan shacabka Soomaaliyeed ma neceen kooxda Alshabaab mase jacayl ayey u qabaan iney kooxda la sii shaqeeyaan? Ma jiro ruux Soomaali ah oo maanta kooxda Alshabaab jacayl kula jiro xataa kuwa iyaga barbar dagaalamaayo waayo kooxda Alshabaab waa ey sii ciribtirmaysaa waxa ka harayne waa uun wax yar oo biya raacis ah. Hayadaha amniga caasimadda Muqdisho ayaa maalmo ka hor waxa ey amar ku soo rogeen ganacsatada qeybaheeda kala gedisan waxa eyna u sheegeen iney wejiga hore ee goobahooda ganacsi ku xiraan Kaamerooyinka wax basaasa ee CCTV-da si loo arko qofka sameynaayo amni daradda gudaha Caasimadda Muqdisho arrinkan ayaa waxaa fuliyey qaar ka mid ah ganacsatada G/banaadir kuwooda lagu tilmaami karo Wadaniyiin waxaane dhacday in kooxda Alshabaab bilawdo iney Qarax ku xirto goobtii lagu xiro CCTV-da ayagoo ula jeeda iney cabsi geliyaan ganacsatada nabada ka shaqeyneysa ee raba iney u adeegaan shacabkooda,qaraxii ugu dambayey ayaa xalay waxa uu ka dhacay Black sea,ma jirto cid wax ku noqotay balse burbur ayaa waxa uu soo gaaray goobtii Ganacsi.
ISHA/SB-MEDIA.