SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAX MOOSKO KA DHACAY OO LAGU DILAY…

(SAWIRKA)-S/G.IGOR KIRILLOV.

(MOSCOW)-Sareeya Guuto.Igor Kirillov oo ahaa Madaxa Ciidamadda Difaaca Shucaaca Kiimikooyinka iyo Noolaha ee dalka Ruushka iyo Kaaliyihiisa ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Moosko maanta oo Talaada ah. Qaraxa ayaa ka dhashay Walxaha Qarxa oo lagu rakibay Mooto Koronto ah(Scooter),Sveltana Petrenko oo ah afhayeenka Gudiga baarista Ruushka ayaa ku sheegtay hadal muuqaal ah oo laga soo duubay lana soo dhigay Telegaraamka. Dhimashada Kirillov ayaa timid maalin ka dib markii ey Waaxda Amniga Qaranka ee dalka Yukreyn(SBU) ey ku soo oogtay dacwad ah in Kirillov uu amray in “hubka Kiimikadda ah loo isticmaalo ciidamadda difaac Yukreyn”. "Sida laga soo xigtay baaritaanka,Walxaha Qarxa ayaa lagu qariyey Ryazansky Prospekt ee magaaladda Moosko,kaaso lagu aasay Mooto la dhigay meel ku dhegan albaabka dhismo la degan yahay” ayey tiri Petrenko,waxa eyna intaas raacisay Petrenko in gudiga baarista uu bilaabay baaritaan dembiyeedka weerarkaan,waxayna sheegtay in baaritaanka la hoos geeyey qeybta “Weerarada Argagixisada”. Meelo kale,warbaahino badan oo laga leeyahay dalka Yukreyn eyna ku jirto Wakaaladda Wararka u faafisa dalka Yukreyn ee UKRINFORM oo soo xiganeysa ilo wareedyadda ayaa sheegtay in dhimashada Kirillov ey ku timid natiijadda “hawlgal gaar ah”oo ey sameeysay SBU,si kastba ha ahaatee maamulka Yukreyn si rasmi ah ugama hadlin arrinkaan dhacay. Wargauska Tass oo ey maamusho dawladda Ruushka oo soo xiganaya Gurmadayaasha deg dega ah ayaa ku waramay in aaladda is Qarxisay ey ka koobneed ilaa xad la mid ah Walxaha Qarxa ee loo adeegsaday Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee sannadkii 2010-kii ka dhacay gudaha magaaladda caasimada ah ee Moosko ee metro,Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan ilaa 40-qofood,waxaane ku dhaawacmay ilaa 80-qofood oo kale.

ISHA-WAKALADO.