QARAX MIINO EY KU DHINTEEN SEDDEX…
GAARIGII UU HALEELAY QARAXA.
(NAIROBI)-Afara qofood ayaa ku geeriyootay shalay oo Arbaca ahayd ka dib markii ey la kacday Miino dhulka lagu aasay ayagoo safar ku maraayey wadada Lapsset bariga Bura ee degmada Tana River. Seddex ka mida dadka geeriyooday ayaa waxa ey ka tirsanaayeen Hayadda dhista wadooyinka ee dalka Kenya(KeNHA). “Kolonyada uu haleelay qaraxa ayaa ahaay Injineero ka tirsan hayadda dhista wadooyinka dalka Kenya waxa eyna wateen seddex baabuur oo mareeysay wadada Lapsset waane halka uu ka dhacay weerarka loo maleynaayo ineey ka dambeeyso kooxda Alshabaab,waxaane la tuhmaa in kooxda Alshabaab ey Miinada qaraxday gelsay wadada ka dibne ey la kacday baabuurkii ugu horeeyey”,sidaas waxaa laga soo xigtay ciidamadda booliska Kenya.
ISHA WARKA DAILY NATION.