SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAX LOO ADEEGSADAY BUS YAR OO KA DHACAY KABUL.

(SAWIRKA)-BASKII KU QARXAY KABUL MAANTA OO SABTI AH.

(KABUL)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kaabul ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Bas yar(Mini-Bus),qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda ey ku badan yihiin dadka Shiicada ah ee reer Afgaanistaan ee caasimadda Kabul,Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay ilaa hadda laba qofood oo shacab ah waxaane ku dhaawacmay 14-qofood oo kale,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxda Taalibaan ee hadda maamusho dalka Afgaanistaan maanta oo sabti ah. Waa weerarkii ugu horeeyey ee ka dhaca dalka Afgaanistaan sannadkan 2024-ka. Afhayeenka Boolisk dalka Afgaanistaan Khalid Zadran ayaa sheegay in Qarax uu ka dhacay Galbeedka caasimadda Kabul gaar ahaan degaanka Dashti Barchi,booliska ayaa bilaabay baaritaan la xiriira Qaraxa dhacay maanta oo sabti ah. Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay masuuliyadda Qaraxa ka dhacay Kabul balse kooxda isku magacawdo Dawladda Islaamiga ah(ISIS) ee gobolka ayaa horay u bartilmaamedsatay dugsiyada ey dhigtaan caruurta Shiicada ah,Isbitaaladda iyo Masaajida ku yaalo isla degaankaas.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.