SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAX KA DHACAY NAYJEERIYA.

(KANO-NIGERIA)-Dalka Nayjeeriya ayaa waxaa ka dhacay Qarax kaaso ugu yaraan eey ku dhinteen dad dhan todobo(7)-qofood kuna dhaawacmeen sagaal iyo toban(19)-kale,qaraxa ayaa ahaay mid la dhigay maqaayad dadku ka shaahaan kuna taala gobolka Taraba ee dhaca waqooyi-bari ee dalkaas Nayjeeriya.Mid ka mida goobjoogayashi ku sugnaay goobta uu ka dhacay qaraxa lana yiraahdo Fana James ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegtay ineey aragtay todob(7)- qofood oo meyd ah ka hor inta aan loo qaadin isbitaalka,halka boolisku ka sheegeen in dhimashadu tahay seddex(3)-qofood dhaawacana yahay(19)-qofood.Cabdullahi oo ah ku xigeenk afhayeenka booliska gobolka Taraba ayaa u xaqiijiyey walakada Anadolu inuu qaraxa dhacay.

XIGASHO:ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.