QARAX KA DHACAY MAANTA KA DHACAY MUQDISHO.
Tan iyo markii uu soo bilawday khilaafka la xiriiro doorashooyinka dalka ee sannadka 2020-2021 dalka waxaa ku soo badanaayey qaraxyo u badan miinooyinka la dhigaayo wadad hareeraheeda loona yaqaano soo boodo iyo qaraxyo ismiidaamin ah loona adeegsado baabuur laga soo buuxiyo waxyaabaha qarxa oo lagu weeraro goobo muhiim ah eeyna ku sugan yihiin masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo masuuliyiin hore,tusaale ahaan weerarkii loo adeegsaday qaraxa ee lagu qaaday Hotel Afrik 31/1/2021-ka ee lagu dilay AUN-Gen.Galaal iyo dad kale oo shacab ah ayaa loo adeegsaday qarax ka dhashay gaari eey ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay albaab ka mida albaabadda Hotelka Afrik waxaane xigay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamadi ku sugnaay Hotelka iyo kooxdii soo weerartay. Shalay ayey ahayd markii qarax lagu weeraray waax ka mida degmada Hodan una dhaw suuqa bakaaraha ee magaaladda Muqdisho in kastoo sida la sheegay qaraxaas cidna wax ku noqon,maantana waxaa uu qarx ka dhacay bar koontarool oo ku taalo agagaarka sayidka waxaane qaraxa loo adeegsaday baabur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la doonaayey inuu ku qarxo bartaas koontarool balse ciidamadda booliska ee ku sugnaay bartaas koontarool ayaa sameyey ka hortag inta uusan is qarxin wadaha baabuurka waxa eeyna ku fureen rasaas si uusan u geeysan dhibaato baahsan taasne waa eey ku guuleysteen ciidamadda booliska oo baaburka waa uu qarxay isagoo aan geeysan dhibaato dhimasho balse dhaawc iyo hanti fara badan ayaa meesha ku baaba’aday.