SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAX KA DHACAY DEGMADA HELIWAA.

(SAWIRKA)-QARAX LALA EEGTAY BOOLISKA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka hekeyno magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaayo in degmada HeliWaa ee Gobolka Banaadir uu maanta oo Sabti ah uu ka dhacay Qarax Miino oo lala eegtay koox ka tirsan booliska Soomaaliyeed ee ku takhasusay Miino baarista,kooxdaan ayaa la soo sheegay iney u socdeen iney soo baaraan miinooyin la sheegay in lagu aasay qeybo ka mida degmada Heliwaa balse ayagii ayey miino kula qaraxday wadada gaar ahaan Waaxda Waxara Cadde,sida la soo sheegay waxaa qarax ku dhintay laba askeri waxaane ku dhaawacmay tiro kale oo askar ah,waxaane jirto in qarax uu galaaftay nafta Eyo miino baarayaal ah oo la socdeen askarta dhimatay,qaraxaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab kuna soo faafisay baraheeda ey ku leedahay Internet-ka. Dhinaca kale,Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in Guutada 18-aad ee ciidamadda GorGor ey ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan todobo baabuur oo saad iyo hubba u siday kooxda Alshabaab ee ku halaagsantay Galmudug,baabuurta siday saadka ayaa kala ahaay 3-baabuur oo nuucaa Biiji ah,3-Hoomeey ah iyo 1-baabuur oo ah Boroobox. Seddeda baabuur ee ah Biijiga iyo halka baabuur ee ah Boroobox ayaa lagu qabtay Bacaadweyne waxaane la geeyey Wisil,halka seddexda Hoomeey ee la qabtay la geeyey degmada Baxdo,waxaane la sugaa in dawlad Goboleedka G/Mudug war ka soo saari donto waqtiyada soo socdo.

ISHA/SB-MEDIA.